Al-Shabaab Oo Sheegtay In Weerar Jid-Gal Ay Gaadiid Uga Qabsatay Ciidamo

0
87

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Luuq iyo Dooloow ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa markii horey ka bilowday weerar dhabba-gal ah oo Al-shabaab ku qaadeen gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda oo socdaal ku marayay meel u dhow degmada Luuq.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, waxaana inta la xaqiijiyay Ciidanka dowladda halkaas uga dhintay hal Askari, halka laba kalen ay dhaawacmeen.

Saraakiisha Ciidamada ayaa tilmaamay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-shabaab, isla markaana khasaaro gaarsiiyeen Shabaabka, in kastoo aysan tiro sheegin.

Dhinaca kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarka dhabba-galka ay ku qabsadeen gaari Saaruf ah oo uu lahaa Nin ay sheegeen inuu yahay madaxda maaliyadda degmada Luuq ee dowladda iyo gaari kale oo nooca dagaalka ee Tikniko ah.

Si kastaba dagaalo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo horey waxaa ay uga dhaceen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland, kuwaasi oo geystay khasaaro nafeed.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here