Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kaawo laga bixiyo dhagaxa kuna taalla halka loo yaqaano sifaynta Batroolka ee duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Jasiira oo kusoo duntay dad ka shaqeynayay Kaawada.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Kaawada ay ku soo duntay dad dhowr ah oo xoogsato muruq-maal ahaa, xili ay qodayeen oo ay ka socotay shaqo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay 4 ruux oo kamid ah dadkii qodayay Kaawada ayaa ku geeriyooday goobta, halka dad kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad, iyadoona dadka waxyeelada soo gaartay loo sameeyay gurmad.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii daraya in Kaawada ku soo duntay degaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho ay weli ku hoos jiraan dad kale, isla markaana uu socdo gurmad lagu soo bixinayo dadkaas oo xoogsato muruq-maal ahaa.
Kaawooyinka laga bixiyo Dhagaxa iyo Carrada dhismaha ayaa inta badan kusoo dunta xoogsatada muruq maalka ah ee ka shaqeysta Kaawooyinka, waxaana Kaawooyinka soo duma ka dhasha khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaara dadka ka shaqeyneysta.