3 arrimood oo sababa inay dad xun xun ku jeclaadaan (iska ilaali)

0
223

Aad bay u xanuun badan tahay in mar walba oo qof aad xiriir la yeelato uu kugu noqdo qof xun. 

Dabcan ma jiro qof jecel inuu soo jiito ama ay jeclaadaan dadka aan wanaagsaneyn.

Laaliin waxaa jira dhaqamo haddii aad leedahay kuu sababaya dhibaatadaas baaxadda wayn leh.

Dadka kale dabeecadahooda wax dambi ah kuma lihid laakiin waa inaad iska ilaaliso in ficil aad adigu sameysay uu kuu soo jiido qof kuu waxyeelleeya qalbi ahaan iyo maskax ahaan.

Haddaba ka feejignow saddexdan arrimood ee sabab u noqonaya inay dadkaas ku daneeyaan.

1- Marka aad waqtiga si aan xisaab lahayn ugu hurto qof walba

Waa arrin fiican inaad waqtigaaga firaaqada ah ku bixiso caawinta dadka iyo inaad la wadaagto qof kale, dad badanna way kaaga mahad celinayaan.

Laakiin nasiib darro, mar walba waxaa jira dad sun ah oo jecel inay si khaldan uga faa’iidaystaan waqtigaaga.

Waxay isku dayaan inay kuu adeegsadaan arrimo aysan dani kuugu jirin.

Waxaa taas kasii daran in qaarkood ay kuu muujiyaan jacayl been ah si ay qaab khiyaano ah uga macaashaan waqtigaaga qaaliga ah.

Sidaas darteed waxaa kula gudboon inaad waqtigaaga ku bixiso qof aad si wayn uga fiirsatay islamarkaana feejignaato.

2- Marka aad adeegsato xeelado hore oo aad ku hungowday

Mid ka mid ah dabeecadaha ugu waawayn ee kuu soo jiida dadka xun xun waa inay fahmaan hab dhaqankaaga aan xikmadda ku dhisnayn ee qof walba uu iska garanayo.

Qofka haddii god hal mar laga qaniino ma aha in mar labaad laga qaniino, waayo waa inuu aqoonsado khatarta uu godkaas leeyahay.

Taas waxaa la mid ah in xeeladaha nolosha aad baddasho haddii aad mar ku khasaarto.

Waxaa xitaa suuragal ah in qof mar xiriir khiyaano ah kula sameeyay uu mar kale kugu soo laabto maadaama uu ogyahay dabeecadahaaga iyo mrelaha lagaa soo galo.

3-  Marka aad tahay qof aad u wanaagsan oo aad u naxariis badan

Inaad qof wanaagsan noqoto way fiican tahay run ahaantii, balse dhibaatadeeda waxaad ogaanaysaa marka aad la kulanto dadka xun xun ee arribtaas uga faa’iidaysta sida khaldan.

Mararka qaar qof aad u fiicnaan jiray ayaa isu baddala qofka ugu xun dadka kaddib marka lagu sameeyo dhibaato u keentay wanaaggiisii badnaa.

Inta ay taas dhici lahayd waxaa habboon in dadaal aad ku bixisid sidii aad u kala aqoonsan lahayd dadka, una ogaan lahayd qofka u qalma in loo hagar baxo iyo qofka mudan in la iska ilaaliyo.

Dhammaan dabeecadahan waxay dhaawac u keeni karaan qalbigaaga iyo maskaxdaada, laakiin marka aad ku hagaagto dadka wanaagsan waa kuwa kuu horseedaya guusha nolosha.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here