Markab Militari oo ay leedahay Boqortooyada Ingiriiska ayaa howl wadeennada la socda waxaalaga helay Covid-19 sida uu Warbaahinta u sheegay Xoghayaha Difaaca Dalkaas Ben Wallace.
Waxa uu tilmaamay in aqoon & waaya-aragnimo wanaagsan ay u leeyihiin badbaadinta iyo daryeelka Bukaannada uu ku dhacay Xannuunka COVID-19, isaga oo isbar-bardhig ku sameeyay bilawgii Faafitaanka Coronavirus iyo haatan.
Markabka ayaa ku xirtay Xeebaha Gariigga balse wali waxaa dulsaaran Dadkii laga helay Cudurka iyo kuwa ka caafimaadka qabo inkasta oo Britain ay shaacisay in daryeel wanaagsan siineyso.
Maraakiib kale oo ilaalo u ah Royal Navy dadka la socda waxaa laga helay Covid-19 inkasta oo tiradooda ay ka gaabsatay Boqorotooyada Ingiriiska soo bandhigistooda balse waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 100-ruux.
Dalalka ku hormaray dhinaca Ciidanka waxa ay howlgeliyaan Maraakiib awood u leh in ay qaadaan Doomo fudfudud balse dheereeya & diyaaradaha dagaalka iyaga oo joogta u gaaf-wareega Biyaha Caalamiga ah.