Al-Shabaab Oo Sheegtay In Askar Katirsan Ciidanka Dowladda Maanta Ay Ku Dileen Degmada Dayniile

0
139

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay ciidamo katirsan booliska dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay magaalada muqdisho .

Wararka ayaa sheegaya in Weerarka Oo ka dhacay bar koontarool oo kutaal degmada Dayniile uu sababay dhimashada sedax askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan ,waxaana ay sheegeen in xubno ka tirsan ay fuliyeen islamarkaasna ay ku dileen sadax askari islamarkaasn ay waxa ay sheegeen in ay ka furteen sadax  qori oo ay wateen
Isbuucyadii lasoo dhaafay ayay weeraro si sadan ookale al-shabaab ka fulinayeen  inta badan degmooyinka gobolka Banaadir waxaana weeraradaas lagu beegsaday  askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda kuwaasi oo ay dhabarka u riteen masuuliyadooda al-shabaab.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here