Diyaar dagaal oo faransiisku lahaa oo ku burburtey dalka maali.

0
87

Wasaaradda Difaaca ee dalka Faransiiska ayaa xaqiijisay in Diyaarad Dagaal oo ay lahaayeen at shalay ku burburtay dalka Mali, xilli ay Diyaaradda ku jirtay Hawlgalka BARKHANE ee lagula dagaalamayey Kooxaha hubeysan ee ka dagaalanta dalka Mali.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay labadii Duuliye ee la socday Diyaaradaasi ay ka boodeen Diyaaradda, iyadoo mid ka mid ah uu dhaawacyo fudud soo gaadheen.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Miraaj 2000 D Jet ayaa waxay ku dhacday Gobalka Hombari ee Waqooyiga dalka Maali.

Wasaaradda Difaaca ee Faransiiska waxay kaloo sheegtay inay bilaabeen Baadhitaano la xidhiidha waxa sababay Burburka Diyaaradda Dagaalka ee ku dhacday dalka Mali.

Kumanaan Askar Faransiis ayaa ku sugan dalkaasi, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka Dagaalka ee BARKHANE.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here