Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay roob mahiigaan ah oo ka da’aya gobolka dhexe ee Shiinaha ee Henan, kaas oo sababay dhul go ’iyo daadad qeyb qeyb liqay nidaamka tareenka dhulka hoostiisa mara ee Zhengzhou.
Qiyaastii 200,000 oo dadka deegaanka ah ayaa laga daad gureeyay ilaa Arbacadii iyadoo askartu ay hogaaminayeen dadaalada samatabbixinta ee Zhengzhou – oo ah magaalo ay ku nool yihiin in ka badan 10 milyan oo qof – halkaas oo maalmo roob ah ay buux dhaafiyeen jidadka iyo tareennada dhulka hoostiisa mara, sida ay sheegeen saraakiisha dawladda hoose