War Deg Ah Qarax khasaaro dhaliyey oo lala eegtay Kolonyo uu la socday Taliye Biixi

0
223

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo gelinkii dambe ee galabta ka dhacay inta u dhexeeysa deegaanada Wisil iyo Shabeellow ee koonfurta Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha Ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, kuwaasi oo ku socdaalayay inta u dhexeeysa Wisil iyo Shabeellow.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in qaraxa uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askartii saarneyd gaari kamid ahaa kolonyada, waxaana ka badbaaday qaraxa Taliyaha Ciidanka dhulka Jeneraal Biixi.

Inta la xaqiijiyay hal Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka 7 Askari kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ay leeyihiin Ciidanka dowladda.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda INTERNET-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in qarax la eegteen kolonyo galbineysay Taliyaha Ciidanka dhulka iyo Wasiirka amniga, uuna si dirqi ah u badbaaday Taliyaha, sidoo kalena ay ku dhiteen sarkaal iyo 4 askari oo ilaala u ahaa..

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo ay uga hadlayaan qaraxii khasaaraha geystay ee galabta ka dhacay inta u dhexeeysa Wisil iyo Shabeellow oo dhawaan ay ka dhaceen dagaalo Culus.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here