Wararka ka imaanaya cirifka fog ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya In saacadihii lasoo dhaafay weerar xooggan ciidamo katirsan dowladda Kenya lagula beegsaday Halkaasi
Weerarkaan ayaa waxaa la tilmaamay in uu ahaa mid loo adeegsaday qarax waxaana lagu weeraray ciidanka kenya xili ay socdaal kumarayeen Raaskaambooni Oo ku yaal Xuduud beenaadka ay wadagaan soomaaliya iyo kenya
Alshabaab ayaa dhinaca barahooda intarneetka ku sheegtay masuuliyada weerarkaan
Waxaana ay sheegeen in qarax miino oo ay u dhigeen ciidanka kenya ay ku burburiyeen gaari nuuca xamuulka Qaado ah oo ay la socdeen ciidamada Kenya xilli uu ku sugnaa meel ku dhow xuduud beenaadka gaar ahaan Raaskaambooni.
Warka kasoo baxay Alshabaab ayaa intaas ku daraya in gaariga burburay uu qeyb ka ahaa mashruuca dhismaha derbiga ay Kenya ka waddo deegaannada xuduud beenaadyada.