“Wiilasha waa wiilal yar yar, macalinka oo gurigiisa jiifa ayay faas madaxa uga dhufteen, dugsiga ayuu u dhigi jiray, waa ardaydiisii wiilasha dilay. Macalinkii meeshaas ayuu ku baxay.” Ayuu yiri mid ka mida ardaydii uu wax soo baray macalinkaasi oo dhacdadaasi uga waramay wardeeq 24 TV
Waxaa sidoo kale uu yiri “Macalin Cabdisalaan muddo labaatan sano ka badan ayuu ardayda Qur’aanka ku bari jiray deegaanka. Macalin aad looga yaqaanay deegaanka buu ahaa.”
Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay labadii wiil ee falkaasi gaysatay, kuwaa oo loo gudbiyay Magaalada Gaalkacyo.
Dhacdadan ayaa dareen argagax leh ku abuurtay dadka deegaanka, waxayna noqotay midda loogu hadalhaynta badan yahay deegaankaasi