Dawladda Sudan ayaa codsatay in Nada Alqala ay ka heesto Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisho.
Safiirka Sudan ayaa Wasiir Dubbe usheegay in fanaaniin Nada kamid tahay xiisaynayaan imaanshaha Soomaaliya.
“Safiirka Sudan ayaa ii yimid oo igu yiri fanaaniin reer Suudaan ah oo Nada Alqala ay kamid tahay ayaan rabaa in aan Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya keeno oo ay ka heesaan, aduunkii oo dhan ayaa indhaha ku haya tiyaatarka oo usoo socda ragna Geel bay rabaan in ay ka dhax naadiyaan”.
Isagoo sii hadlaya wuxuu yiri Wasiirku “Kunkan qof ee Tiyaatarka fadhida iyo kuwa banaankiisa jooga ee xafladda kala socda meel ay biyo ka cabaan maleh tiyaatarku anigaa iri biibito biyaha lagu gado xitaa cuno ma ahan haloo sameeyo”.
Wasiir Dubbe ayaa sidaasi ka sheegay munaasibada qalinjebin ardayda jaamacada SIU oo ka dhacday Tiyaatarka Qaranka.