Wararka naga soo gaaraya Degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay kusoo Waramayaan in xaafad ka tirsan degmadaasi lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda faderaalka soomaaliya
Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka sarkaalkaan ka tirsanaa Ciidamada Dowladda
Wararka ayaa sheegaya in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen ragii dilkaasi ka dambeeyay
Al-shabaab sheegtay masuuliyada dilkaan Waxaana ay sheegeen in xubno katirsan ay xaafad ka mid ah magaalada Muqdisho ku dileen mid ka mid ah saraakiisha dowladda federaalka ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Wararka al-shabaab ay ku baahiyaan dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen rag hubeysan oo ka tirsan ay xaafadda Jamhuuriya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ay ku dileen sarkaal boolis ah oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka booliska dowladda.
al-shabaab ayaa intaasi ku daray in sarkaal boolis ah ee ay dileen lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi oo loo garan ogaa Shiine.