Prof. Abdi Ismaacil Samatar Oo loo Doortay Aqalka Sare

0
77

Kursiga Saddexaad ee Golaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa waxaa goordhow ugu soorta gashey teendhada Afisiyoni ee Magaalada Muqdisho.

Kursigaan ayaaa waxaa ku tartamay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, waxaana wareega 1aad ku haray Cabdiraxmaan Cismaan Cali

Wareega labaad ee doorashada ayaa waxsaa ku tartamay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, waxaana kursiga kusoo baxay Prof. Cabdi Ismaacil Samatar.

Prof. Cabdi Ismaacil Samatar ayaa waxaa uu helay 25 cod halka 21 Cod uu helay musharixii la tartanayay ee Maxamed Maxamuud Allabari.

Goordhow ayaa waxaa la guda galayaa doorashada kursiga Afaraad ee Aqalka Sare, waxaana ku tartami doona Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe iyo Cabdikariim Maxamed Xasan.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here