Banaanbax Maanta ka dhacaya Magaalada Boosaaso

0
72

Kadib kulan ay xalay yeesheen Ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay ku go’aamiyeen inay Maanta dhigaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Maamulka Soomaaliland.

Banaanbaxa ayaa ujeedkiisa yahay inay kasoo horjeedaan raafka ay Ciidamada Somaliland ku sameeyeen dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed, isla markaana ay uga soo masaafuriyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Qaar kamid ah dadka kulanka yeeshay ayaa waxaa ay sheegeen in Maanta ay xirayaan dhamaan Goobahooda Ganacsiga ayna muujin doonaan sida ay uga xun yihiin dhibaatada loogu geystay laas-Caanood dadka kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed.

ayaa Caawa kullan ay yeesheen ku Go’aamiyey in Berri xarumahooda Ganacsi xiraan islamarkaana sameeyaan isu soobax ay uga soo horjeedaan raafka Soomaaliland ku hayso Ganacsatada isku Deegaanka ka soo jeedaan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dadkii Ciidamada Somaliland ka musaafuriyeen Magaalada laas-Caanood ay gaareen degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here