Al Shabaab militants at a training camp in Somalia. Photo Getty Images 760 x 435 - Wardeeq news

Dagaalada oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa ay ka kala dhaceen degaannada Hosingow iyo Taabto oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Dagaalada ayaa waxaa ay ka dambeeyeen kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyada Ciidamada Kenya ee katirsan AMISOM ku Leyihiin degaannada Taabta & Hoosingow.

Dadka ku nool degaannada Taabta iyo  Hoosingoow  ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka waxaa ay sheegeen inay casbi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqin qabeen inay waxyeelo kasoo gaartao dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Jubbada Hoose wax faah faahin kama bixin weeraradaas, hayeeshee dhowr jeer ayay Al-Shabaab weerareen Saldhigyada Ciidamada Kenya ee Gobolka Jubbada Hoose.

Verified by MonsterInsights