Ciidamada Suudaan ayaa shaqada ka ceyriyay lix ergay iyadoo ay sii kordhayaan cambaareynta afgambiga

0
100

Militariga Suudaan ee haya talada dalkaasi ayaa shaqada ka ceyriyay lix safiir, waxaana ciidamada ammaanka ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah dibadbaxayaasha dimuqraadiyad doonka ah, iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee ka dhanka ah afgambiga toddobaadkan.

Go’aankan oo gelinkii dambe ee Arbacadii lagu shaaciyay warbaahinta dowladda, ayaa waxaa ka mid ahaa safiirrada Suudaan u fadhiya Mareykanka, Midowga Yurub, Shiinaha, Qatar, Faransiiska iyo madaxa ergada dalkaas u jooga magaalada Geneva ee dalka Switzerland, iyadoo sida muuqata ay ku gacan seyreen la wareegidda milateriga. .

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here