askar - Wardeeq news

Al-Shabaab ayaa degaanka Buq-aqable oo hoostaga degmada Buula- Burde ee Gobolka Hiiraan waxaa ay kusoo bandhigeen 9 Askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya balse isku dhiibay Al-Shabaab.

Askartan oo qaarkood saraakiil ah ayaa Al-Shabaab sheegeen inay ka howlgeli jireen badankood degmooyinka Beledweyne iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan lana Shaqeeynayeen Maamulka Hir-Shabeelle.

Askarta la soo bandhigay qaarkood oo hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay qaarkood ka Shaqeyn jireen Xarunta dowladda Hoose ee Magaalada Beledweyne, isla markaana si iskood ah ay uga soo tageen.

Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Hir-Sbabeelle weli kama hadlin askartaan ay soo bandhigeen Al-Shabaab oo ay sheegeen inay isku soo dhiibeen lana Shaqeeynayeen Maamulka Hir-Shabeelle.

Dhowr jeer oo hore ayaa Dowladda Soomaaliya & Al-Shabaab waxaa ay siyaabo kala duwan u soo bandhigeen askar iyo saraakiil ay sheegeen in midba midka kale uu isku soo dhiibay.

Verified by MonsterInsights