Ciidanka Booliiska Qaybta Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xalay waxa ay hawlgalo qorshaysan ka fuliyeen qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug
Ciidamada Booliska Puntland ayaa howlgaladaan waxa ay sheegeen in ay ku soo qabteey wax yaabaha maanka dooriya iyo dadkii isticmaalayay
Sigaar ah waxyaabaha ay ciidanku gacanta ku dhigeen ayaa waxa lagu sheegay khamri fara badan iyo kooxihii ka ganacsanayay.
Saraakiisha Ciidamadda Puntland ee Howlgaladaan Fuliyay ayaa sheegay in ay sii wadi doonan howlgalada ka dhanka ah waxyaabaha maandooriyaha ah
Waxaana ay digniin adag udireen dadka ku howlan in ay magaalada waxyaabagaasi sida qamriga iyo xashiishka ay soo galiyaan gacanta ay kusoo dhigi doonan sharcigana la hor geyn doono
Saraakiisha ayaa carabka ku adkeeyay in maandooriyuhu qeyb ka yahay Amni darada islamarkaasna uu ka qeyb qaadanayo in uu qalqalgo amniga magaalada
Waxaana ay sheegeen in dhamaan dadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaalaba ay sharciga la tigsan doonan
Ugu dambeyntii waxa loogu baaqay dadka haatan ku howlan ama faraha kula jira waxyaabahaasi in fara ay kala baxaan hadii ay ciqaab adag la kulmidoonan