download 1 - Wardeeq news

Askari lagu dilay Isgoyska Warshadda Caanaha ee Muqdisho sidda ay wardeeqnews u xaqiijiyeen dadka degaanka.

Askariga la dilay ayaa dadka degaanka waxa ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaano taraafikada.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo halkaasi ka bilaabay howlgallo.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal loo geysanayay Shaqsiyaad kala duwan , waxaana Todobaadkii lasoo dhaafay Muqdisho lagu dilay Askar iyo wiil dhalinyaro ah, dhammaan Kooxii dilka geystay ayaa goobta ka  baxsaday.
Verified by MonsterInsights