Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa waxa ay xalay markale howlgalo culus ka sameeyeen Xaafadaha Qaar Ee Magaalada Muqdisho
Howlgaladaan Habeenkii labaad dhacaya ayaa waxa hogaaminayay Taliye Ku Xigeenka Qeybta Guud Ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi
Waxaana uu sheegay in howlgaladaan u jeedkoodu uu yahay xaqiijinta amaanka islamarkaasna ay kaga hortagayaan cid kasta oo falal amnidaro Ka wada Xaafadaha qaar ee Magaalada Muqdisho
Howlgalada oo Ciidanku ay guri guri baarayeen ayaa waxaa laga sameeyay xaafadaha kuyaal Degmooyin Hodan,Howlwadaag iyo waabari
Waxaana inta uu howlgalku socday lagu soo qabqabtay dhalinyaro badan kuwaasi oo qaar kood la sii daayay halka kuwa kalana la sheegay in baaritaano dheeri ah lagu sameynayo