[resads_adspot id=”1″]
Faah faahino ayaa kasoo baxaya Qarax miino lagu xiray gaari oo saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland, kaasi oo la sheegay in jugtiisa laga maqlaya xaafaddo ka tirsan Magaaladaas.
Qaraxaas ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan laanta laanta dambi-baarista Maamulka Puntland ee CID-da oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf , waxaana uu qarxay xili uu marayay bartamaha Magaalada.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxa uu ka badbaaday Sarkaalka lala eegtay oo lagu magacaabo Warsame Yuusuf Axmed (Yeey), hayeeshee uu ku burburay gaarigiisa, waxaana ku dhaawacmay qof wadada socday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray aaga uu qarxu ka dhacay, isla markaana xiray waddooyinka gala halkaas, sidoo kalena qaaday gaariga burburay.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Puntland oo ay uga hadlayaan qaraxaas ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in Ciidanka ay wadaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo.
[resads_adspot id=”1″]
Gaalkacyo ayaa waxaa horey uga dhacay qaraxyo miino iyo kuwo Is-miidaamin ah oo geystay khasaaro kala duwan oo ay Mas’uuliyadooda sheegteen Al-shabaab, waxaana labada dhinac ee Magaalada ka kala maamula Puntland iyo Galmudug.
[resads_adspot id=”1″]