Dowladda faderaalka soomaliya ayaa waxa ay ku dhawaaqday in ay qalabeynayso ciidamo dhawaan tababar ugu soo dhamaanayo deegaanada galmudug
ciidamadaan oo lagu tababaray xerada dugsiga tababarka Har-qaboobe ee degmada Guriceel waxaana la sheegay in dhowaan ay kasoo bixi doonto Dufcadii Koowaad ee ku qaadata carbis milatary kadib burburkii Dowladii dhexe ee dalka kadib.
Taliyaha Qaybta 21-aad General: Maxamed Cadoow Cali oo Ciidamadan booqasho maalmo qaadatey ku gaarey ayaa xusey in Ciidamadan uu usoo idlaadey tababarkii u socdey, isla markaana loo diyaarinayo in la qalabeeyo si ay u howl-galaan.
Waxaana uu Taliyuhu xusay ciidankaan loo tababarayo in al-shabaab ay kasaaraan deegaanada maamulka galmudug islamarkaasna ay sugaan amaanka deegaanadaasi.
Taliyaha Qaybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in ciidankaan ay la garab istaagayaan wax walaba oo ay ubaahanyihiin si ay u gutaan waajibaadkooda