Ciidamada dowladda Faderaalka ah iyo kuwa maamulka jubbland ayaa howlgalo balaaran waxa ay saacadii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo uu ka arimiyo maamulka koonfur galbeed.
Howlgaladaan ayaa si gaar ah waxa looga fuliyay deegaano dhaca inta udhexeysa magaalada beydhabo iyo degmada awdheegle halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab.
saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka koonfur galbeed ayaa waxa ay sheegeen in u jeedka howlgalkaani uu ahaa in alshabaab ay kaga saaraan deegaanada islamarkaasna ay usuurta gashay in inta udhexeysa beydhabo iyo awdheegle ay lagal wareegaan alshabaab
Howlgaladaan ayaa Waxa Hogaaminayay Guddoomiyaha Degmada awdheegle iyo taliyaha ciidanka booliska Degmadaasi,waxaana si rasmi ah ay u xaqiijiyeen in howlgalka sidii loogu tala galay uu u dhacay
howlgalkaan ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa koonfur galbeed ayaa kusoo aadaya xili maalmihii dambe xubno ka tirsan alshabaab ay weeraro dhowr ah ka fulinayeen deegaano dhowr ah oo ka mid ah kuwa maamulka koonfur galbeed ka taliyao