Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa warqad Qoraal ah oo uu goordhaw soo saaray Waxa uu Taliyaha Kumeel Gaarka ah Ee Hay’adda Nisa uga Dalbaday in uu si Deg deg ah ugu soo gudbiyo Cadeymo Rasmi ah oo kusaabsan waxa uu ku xiran yahay Muqtaar Cali Roobow.
Waxaana uu sheegay in tani ay ku timid cabashooyin fara badan oo uga imaanaya ehelada Roobow oo Dowladda in muddo ah u xiran iyadoona aysan wali cadeyn Dambiga lagu xiray xili uu ahaa nin Dowladda isku soo dhiibay lana xiray isaga oo musharax ah.
Halkaan Hoose Ka Akhriso