Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa xaafad ka tirsan degmada Wartanabadda ee Gobolkan Banaadir kudileen mid kamid ah Ergadii soo xushay Xildhibaannadii Baarlamaankii 10aad ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Ninka la dilaya ayaa Al-Shabaab magaciisa waxaa ay ku sheegeen Ismaaciil Maxamed Aadan, oo kooxihii ka dambeeyay dilkaas ay Goobta ka baxsadeen.
Dilka kadib Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas walow aysan ku guuleysan.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaas, waxaana warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ku sheegeen in Ninka ay dileen uu kamid ahaa Ergada soo xushay Xildhibaannada Baarlamaanka balse aysan sii bixin faah faahin dheeraad ah.
Horay ayaa Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka waxaa ay ugu dileen qaar kamid ah Ergada soo xushay Baarlamaanka halka qaar ay degaannadooda ugu yeereen, iyaga oo sheegay in la cafiyay markii ay amarkooda qaateen.