FB IMG 1643010602022 - Wardeeq news

Madaxweynaha Somaliland ee uu waajibkiisa koowaad yahay ilaalinta dastuurka iyo xeerarka dalka iyo gacanyareyaashiisa Arrimaha gudaha iyo warfaafinta, ee ku andacoonaya marka diiwangalinta ururada cusub la bilaabo June 2022, in xisbiyadu ururro ku soo noqonayaan. Waxaan waydiin lahaa halka ay ka keeneen qodobka sharci ee xisbiyada hada jira xisbinimada ka qaadaya?

Ma hayaan qodob sharci oo burinaaya qodobka sharci ee ku cad Xeer Lr. 14/2011, qoddobkiisa 4aad, oo tilmaamaya in muddada liisanka Xisbi Qaran ay tahay 10 sanno oo ka bilaabmaysa taariikhda liisanka la siiyey. Tiiyoo isla xeerkaasi uu dhigaayo in 6 bilood ka hor la diiwaan galinaayo ururada cusub. Mise xaalkoodu waa markii ay jawaab u waayeen xujada waxtar la’aanta iyo gefafka siyaasiga ah ee hortaalla in ay ku hadaaqaan aflagaadooyin aanay xitaa shuruucdii dalka ka dhawrsanayn.

Verified by MonsterInsights