meyd1 - Wardeeq news

Wararka ka imaanaya Magaaladda Laas-caanood ee Gobolka Sool ayaa ku waramaya in xalay halkaas lagu dilay nin iyo haweeney lammaane ah.

Kooxo hubeysnaa ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka loo geystay Lamaanaha waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Laamaha Amniga Somaliland oo goobta gaaray ayaa hawlgal ka sameeyay xaafadda dilkaas ka dhacay inkastoo sida la sheegay aysan weli cidna u qaban dilka labadaas marxuum.

Ilaa haatan lama oga sababta loo dilay lamaanaha,waxaana xusid mudan in amniga Magaaladda Laas-caanood ee Gobolka Sool uu sii xumaanayay maalmihii dambe. Kala Socoo wardeeqnews

Verified by MonsterInsights