FB IMG 1643788675896 - Wardeeq news

Dr. Yiliqal Kifale, Madaxweynaha Deegaanka Axmaarada ayaa soo gaadhay caasimadda Deegaanka Soomaalida ee magaalada jig-jiga.

Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Deegaanka Axmaarada, Dr. Yiliqal Kifale ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal, waxaana si meeqaam sare ah usoo dhaweeyay masuuliyiin uu horkacayo Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo hogaaminaya masuuliyiinta xukuumaddiisa iyo odayaasha deegaanka Soomaalida.

Masuuliyiinta sare ee Deegaanka Axmaarada ayaa ku wareejinaya xukuumadda DDS, deeq ay ugu talo galeen in ay ku caawiyaan bulshada Deegaanka Soomaalida oo la dhibaataysan xaaladda baahsan ee abaarta.

 

Verified by MonsterInsights