Guddiga hirgelinta doorashada heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 13 kursi oo doorashadooda ka dhici doonta magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose.
“Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowladd Goboleed ee Koonfur Galbeed waxa uu shaacinayaa Jadwalka 13 Kursi oo ka mid ah kuraasta doorashadoodu ka dhacayso Deegaan Doorashada Labaad oo ah Baraawe.