doorasho soomaaliya - Wardeeq news

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo doorashada seddex kursi oo ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga Maamulka Doorashada Galmudug ayaa shalay diiwaan geliyay Musharixiinta u tartameysa Doorashada kuraasta kala ah HOP-147 iyo HOP-55.

Kursiga HOP-147 ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiinta kala ah Mahad Maxamed Sallaad iyo Shamso Cabdullaahi Maxamed.

Kurisga HOP-55 ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiinta kala ah Maxamed Xuseen Abuukar iyo Maxamed Saciid Cabdullaahi.

Wariye farxaan yuusuf Timacade

Verified by MonsterInsights