1645086888459 - Wardeeq news

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo booqday suuqa Wayn ee Magaalada Hargaysa ayaa yidhi:-

Laf-dhabarka nolosha bulshadeenu waa Nabadda, waxaana saldhig u ah nabadda ilaalinta maciishada shacabka. Waxa aan galabta lugtayda ugu tagay qeybo kamid ah ganacsatada suuqyada hargeysa Hiliblayda, khudaarlayda, bacadlayaasha, shaah layaasha oo aan u kuur galay waxa sabab u ah maciishadan qaaliyowday iyo sida ay iyaga u saameysay. Hooyo kamid ah kuwa khudaarta keena ayaa i sheegtay in cashuurta qaali lagaga dhigay waxaanay tidhi: ” Basasha waxa aan ka keena Yeman waxaan marki horre la igu cashuuri jiray gadbada 1.5 $ imikana waa 4 $!

Waxa aan xukumadda ugu baaqaya Aniga oo ku hadlaaya afka shacabka ahna Xildhibaan Barkhad in cashuur dhimis ballaadhan xukumaddu sameyso ganacsatada iyo danyarta dalka hoos loo eego. Sicir-bararku dhan walba oo nolosha bulshada ah wuu saameeyey haddii sidan ay ku sii socotana waxa ay tagi doonta in basasku istaagan, in hotelada la xidho, in suuqyada ganacsigu hakad galaan.

 

Verified by MonsterInsights