Maanta waa Maalinta Raadiyaha Adduunka – waa munaasabad lagu weyneynayo hawlwadeennada idaacadaha loo eego wararka ay tabiyaan, codadka ay sare u qaadaan, iyo sheekooyinka ay nala wadaagaan.
Soomaaliya, raadiyuhu wuxuu ku leeyahay kaalin muhiim ah gaar ahaan wadaagista macluumaadka, sidoo kale wuxuu hadda taagan yahay raadiyuhu xilli isbeddel ah oo uu Garaadka Macmalka ah (AI) ka caawin karo xoojinta hadafkiisa asaasiga ah: wargalinta, waxbaridda, iyo madadaalada.
QM waxay u doodaysaa adeegsiga mas’uuliyadda leh ee AI; waayo marka loo isticmaalo si anshax leh oo lagu taageerayo go’aan qaadashada xirfadeed, hal-abuurka, iyo qiyamka adeegga dadweynaha, Garaadka Macmalka ah waxa uu noqon karaa mid xoojisa aaminaadda dhageystayaasha.




