Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Ahlu Sunna oo gacanta ku dhigay gaari sahay u siday ciidanka DF

Ahlu Sunna oo gacanta ku dhigay gaari sahay u siday ciidanka DF

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa xalay magaalada Guriceel ku qabtay gaari Probox ah, oo casho iyo qaadba u siday Ciidamada Dowladda ee ku sugan deegaanka Good-wiil ee duleedka magaaladaasi.

Arrintan ayaa timid xilli ay xalay aad u kacsaneyd xiisadda magaalada kadib markii la weriyey in ciidamada dowladda iyo Galmudug ay galeen qeybo ka mid ah magaalada Guriceel.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa gaariga qabtay, xilli uu ku sii jeeday Good-wiil oo 15km dhinaca waqooyi bari kaga toosan Magaalada Guriceel, halkaasoo uu sidoo kale ku sugan yahay Gudoomiyaha Degmada, Faarax Cabdi Macalin.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Xoogaga Ahlu Sunna ay heleen xogta gaarigaasi, waxaana la arkayay xoogagaasi oo gaariga ku eryanaya gudaha magaalada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xoogaga Ahlu Sunna ay gaarigaasi iyo hal nin oo la socdayba ay ula dhaqaaqeen goob aan la garanayn.

Dhanka kale Warbaahinta Dowladda ayaa xalay baahisay in Ciidamada Dowladda ay gudaha u galeen Magaalada Guriceel.

Warsame Maxamed Faarax oo ka mid ah dadka reer Guriceel ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin duleedka magaaladaasi, isla-markaana aanay weli gudaha u soo gelin magaalada.

“War aan la yaabnay ayuu noqday warka ka baxay Telefishinka Qaranka, ee sheegaya in Ciidamada Dowladda ay gudaha u soo galeen Magaalada Guriceel. Anaga ayaa dadkii deegaanka ah, warkaasina waxba kama jiro, ciidamadana sooma dhaafin deegaanka Good-wiil,” ayuu yiri Warsame Maxamed.

Warsame Maxamed ayaa xusay in xaalad kacsanaan ah ay caawa ka jirto magaalada, welina ay si buuxdo ugu sugan yihiin dagaal-yahanada Ahlu Sunna. Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadkii ku haray magaalada ay bilaabeen inay isaga baxaan magaaladaasi.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa 1-dii bishan la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel. Guriceel waa xaruntii hore ee Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe. Soo laabashooda waxay xiisad ka abuurtay Galmudug.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...