Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Al-shabaab Ayaa isku Soo Dhiibey Ciidanka Booliska Dowladda Ee Ku Sugan Magaalada...

Al-shabaab Ayaa isku Soo Dhiibey Ciidanka Booliska Dowladda Ee Ku Sugan Magaalada Dhuusamareeb

Dagaalame ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Booliska dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii uu xiriiro lasoo sameeyay Saraakiisha Ciidanka ee ku sugan deegaanka Ceeldheere.

Dagaalamahan oo lagu magacaabo Calas Axmed Xirsi loona yaqaano (Careys) ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii Al-shahaab, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-shabaab.

Calas Careys ayaa sheegay inuu Shabaabka uga soo baxay Arrimo isaga u gaar ah, isla markaana haatan uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee howlgalka ka wada Mudug iyo Galgaduud.

Ugu dambeyn Dagaalamahan Calas Axmed Xirsi ee isa soo dhiibay oo gacanta Ciidanka dowladda ku jira 7-maalmood ayaa sheegay in uu ka soo dagaallamay deegaano ka Tirsan Galmudug oo uu Shabaabka kala shaqeynayay.

Si kastaba Saraakiisha dowladda ayaa horey u soo bandhigay Saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolada dalka, halka Shabaabka dhankooda ay soo bandhigeen Ciidamo ay sheegeen inay ka goosteen dowladda.

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...