Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Al-Shabaab Ayaa Xalay Saqdii Dhexe Waxaa Ay Weerar Madaafiic Ah Ku Qaadeen...

Al-Shabaab Ayaa Xalay Saqdii Dhexe Waxaa Ay Weerar Madaafiic Ah Ku Qaadeen Saldhiga Gobolka Hiiraan

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda oo qaarkood ku dhacay goobo u dhow Saldhiga, balse ilaa iyo hadda aan la shaacin khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashaas.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay dhankooda Al-Shabaab ugu jawaabeen madaafiic xoogan, kuwaas oo ku dhacay duleedka degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Dadka degmada Buulo-Burde qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay cabsi xoogan soo wajahday intii ay hoobiyeyaasha isweeydaarsanayeen Ciidamada Jabuuti iyo Al-Shabaab, isla markaana ay ka cabsi qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, waxaana weerarka hoobiyeyaasha ah uu kusoo aadayaa xilli degmada uu ku sugan yahay taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed