Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Al-Shabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Daynuunaay

Al-Shabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Daynuunaay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Khasaare Geystay oo maanta ka dhacay Deegaanka daynuunaay ee gobolka Bay

Dagaalkaan oo aahaa mid xoogan ayaa waxa uu udhexeeyay xubno Katirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Iyadoona wararku ay sheegayaan in Dagaalkaan kadib markii Xubno Katirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig melleteri oo Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ay kula haayeen Deegaanka daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo.

Al-Shabaab ayaa Guulo ka Sheegtay dagaalkaan

Waxaana ay sheegeen in khasaaro xoogleh ay ku gaarsiiyeen Ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed

Al-Shabaab warar ay ku baahiyaan barahooda dhinaca intermeetka waxa ay ku sheegteen in si buuxda ay ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 18Km ujira magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel garka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidamada DFS ay dib ugu gurteen dhanka magaalada Baydhabo, waxaana ay sheegeen xubno ka tirsan ay haatan baaritaanno ka sameynaya saldhigyadii ay iskaga baxeen  ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Ma,ahan markii ugu horeysay oo alshabab ay sheegtaan la wareegida deegaanka Daynuunaay oo dhanka Bari uga beegan magaalada beydhabo xarunta gobolka Baay.

Iyagoona dhowr jeer sidaan oo kale weero  ay ku qaadeen ku sheegtay La wareegida Gacan ku heynta deegaankan

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...