Sunday, January 23, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Al-Shabaab oo la wareegay degaan u dhow Magaalada Dhuusamareeb

Al-Shabaab oo la wareegay degaan u dhow Magaalada Dhuusamareeb

Wararka laga helayo degaanka Ceel-dheere ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xubno katirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Ceel-dheere oo Dhuusamreeb u jira 30KM.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka, isla markaana ay bur-buriyeen xarumihii maamulka Iyo ciidanka ee ku yaalay Ceel-dheere, kadib markii qarax ay ku xireen.

Majirin wax iska horimaad ah oo deegaanka ka dhacay, sida  uu sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka oo sabab amni magaciisa u qariyay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug ula wareegi lahaayeen degaanka Ceeldheere ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay sinabad ah ula wareegeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayna qarax ku burburiyeen Saldhiga Booliska degmadaas walow markii dambe isaga baxeen

Saxafiyad Hana ismaacil

RELATED ARTICLES

Diyaaradda Airbus ayaa baabi’isay heshiis dhan 6 bilyan oo dollar oo ay kula jirtay Qatar Airways kadib dagaal rinji ah

Airbus ayaa kansashay heshiis ay Qatar Airways kula gashay $6bn oo ah 50 ka mid ah diyaaradaheeda cusub ee A321neo ee rakaabka ah, taasoo...

Mareykanka ayaa hakiyay duullimaadyadii ay sameyn jireen shirkadaha xamuulka qaada ee Shiinaha ka dib markii ay dhaqaaqday Beijing COVID

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay joojineyso 44 duullimaad oo Shiinaha ka imaanayay Mareykanka oo ay wadeen afar shirkadood oo Shiinees ah, taasoo jawaab u...

Banaanbax lagu taageerayo qadiyada Somaliland oo gobolka Sanaag ka dhacay.

Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa saaka isku soo bax balaadhan oo ay ku taageerayaan qadiyada Somaliland iskugu baxay waxaana kala...