Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Al-shabaab oo laga saaray degmada Balcad

Al-shabaab oo laga saaray degmada Balcad

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Shabelelada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dawladda ay ka saareen magaalada   Al-Shabaab oo halkaasi soo galay saacadihii hore ee saaka.

Xogta ay idaacadda wardeeq ka heshay dadka degaanka ayaa sheegaysa in dagaal uu ka dhacay bartamaha magaalada gaar ahaan agagaarka xarunta degmada iyo bar kontorool.

Ciidamada dawladda ayaa dadka degaanku noo sheegeen inay weerar rogaal celis ah oo ay qaadeen ay magaalada kaga saareen  Al-Shabaab.

Ugu yaraan 4 ka trsan ciidamada dawladda ayaa ku dhintay weerarkaas sida ay idaacadda wardeeq u sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale tebisay in weerarkaas lagu dilay 9 ka tirsan  Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...