Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Al-Shabaab oo qaraxyo ku burburisay garoonka Buulo-burte + Sawirro

Al-Shabaab oo qaraxyo ku burburisay garoonka Buulo-burte + Sawirro

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxyo miino oo xalay Al-Shabaab ay ku burburisay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa saameyn ay ku yeesheen dhismaha garoonkaasi oo dhowaan uun lagu sameeyey dib u dayactir ballaaran.

Dhismaha garoonka ayaa gabi ahaan burburay, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday garoonka, kadib marka ay ka dhaceen qaraxyadaasi.

Sidoo kale waxaa ku dhintay qaraxyadan ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howl-gala Buulo-burte ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gudaha degmadaasi.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...