al shabab somalia - Wardeeq news

War qoraal ah oo Al-Shabaab ay ku baahiyeen intarneetka ayaa waxa ay Guulo uga sheegteen weerar culus oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada maamulka ‘Jubbaland’ ku lahaayeen deegaanka Dhoobleey ee gobolka Jubbada hoose.

Waxaana alshabaab ay si rasmi ah u shaaciyeen tirada Ciidamada ay jubbaland uga dileen weerarkaas oo Habeen Ka Hor dhacay

Warkasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay illaa 7 askari oo katirsanaa ciidamada Nabad sugidda maamulka Jubbaland Halka 17 kale ay sheegeen in ay dhaawaceen.

Iyagoona intaasi ku daray Askarta lagu dilay weerarka in uu ku jiro nin sarkaal ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Nuur,

Waxaana ay sheegeen  in dhaawacyada  askarta 7 kamid ah culus yihiin dhaawacyadooda.

Al Shabaab oo mas’uul ka ahaa weerarkan ayaa sheegay in ay burburiyeen saldhigga Nabad sugidda Dhoobleey ayna sheegeen iney gubeen gaari nuuciisu ahaa Sagsiid islamarkaana ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanado melleteri.

Verified by MonsterInsights