Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Al-Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Al-Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay la wareegeen degaano hoostaga degmooyinka Mahadaay, Jowhar iyo Raaga Ceelle, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay Ciidamada dowladda Soomaaliya howlgallo ka wadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen degaannada Warciise, Qordheere iyo degaano kale kadib markii degaannadaas ay isaga baxeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Degaannaa ay Al-Shabaab la wareegeen aa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada dowladda ay si awood ah ula wareegay, balse markii dambe ay isaga baxeen.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Cuudamada doawladda ee ka baxay degaannada Warciise iyo Qordheere ay tageen degmada Raaga ceelle, waxaana hoggaaminaya taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raagge.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed