Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fulisay duleedka magaalada Mandera

Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fulisay duleedka magaalada Mandera

Askar ka tirsanaa ciidamada ilaalada xuduuda ee Kenya ayaa la dilay, halka labo kalena la dhaawacay, kadib markii ragg looga shakiyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan ka tirsan magaalada Mandera.

Rono Bunay oo taliyaha Booliiska ee gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay goobta dhismaha darbiga ay Kenya ka wado xadka Soomaaliya, halkaas oo Al-Shabaab ay sidoo kale ku gubeen labo ka mid ah gaadiidka dhismaha.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada ilaalada Booliska ay isku dayeen in ay la dagaalamaan raggii weerarka qaaday oo ka gudbay xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarada Al-Shabaab ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay ku soo badanayey deegaanada hoos-yimaada maamulka Mandera, waxaana muddadaasi la dilay illaa 15 ruux, halka tiro kalena lagu dhaawacay.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed