Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada dowladda Kenya ku leeyihiin degaan hoostaga Gobolka Wajeer ee dalkaasi Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.
Saldhigyada Ciidamada Kenya ku sugan yihiin ee la weeraray ayaa waxaa uu ku yaallaan deegaannada Qarso iyo war-gaduude oo ka wada tirsan gobalka Wajeer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan laba Saacadood, kaas oo dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Dadka ku nool Aaga deegaannada Qarso iyo war-gaduude oo katirsan gobolka Wajeer ayaa waxaa la sheegay in uu saameyn xoogan ku yeeshay dagaalka, iyada oo mararka qaar xaafadaha degaanka ay ku dhacayeen rasaasta la isku adeegsanayay.
Weli lama oga khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse waxaa la sheegay in uu jiro khasaaro dhsawac ah oo ka dhashay dagaalka, sidoo kale uu dab ka kacay Saldhiga Ciidamada Kemya ee la weeraray.
Warbixin ay daabacday jariirada Long War Journal ayaa lagu sheegay in weerada sanadkaan ahaayeen kuwa aad ugu sii kordhayay Kenya, waxaana ugu badan ahaayeen Bishaan sii dhamaaneysa ee May ay Al-Shabaab la fuliyeen Gudaha Kenya