Wednesday, September 22, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Xulashada Allah ha u naxariistee, Raxma Maxamuud Gacal oo aheyd xaaska madaxweynihii hore...

Allah ha u naxariistee, Raxma Maxamuud Gacal oo aheyd xaaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed

 waxaa maanta ku geeriyootay magaalada Nairobi.

Raxma ayaa toddobaadyadii tegay ka xanuunsaneysay isbital ku yaalla Nairobi, waxaana lagu warramay inay u geeriyootau xanuunka COVID-19, oo sidoo kale Cali Mahdi uu u dhintay 10-kii bishan March.

Geerida Raxma ayaa waxaa ka tacsiyeeyey madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo qoraallo soo dhigay baraha ay ku leeyihiin facebook iyo twitter.

“Waxaan murugada la wadaagaynaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska M/weynihii hore Cali Mahdi Maxamed, annagoo uga tacsiyeyneyna geerida ku timid Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal xaaskii Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo ku geeriyootey magaalada Nairobi. Allaha u naxariisto samir iyo iimaanna allaha naga siiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Xasan Sheekh ayaa isna qoraalkiisa ku yiri “Eebe naxariistiisa Janno haka waraabiyo marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal, xaaska madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahadi Maxamed. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii ay ka baxday, waxaana Alle ka baryayaa in uu sabar & iimaan naga wada siiyo إنا لله وإنا إليه راجعون

RELATED ARTICLES

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hor Yimid Bananbax Uu Iclaamiyay WasiirKa Cusub Ee Amniga

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu gaashaanka udaruuray Qorshe uu waday wasiirka amniga lagu muransayahay ee xukuumadda SoomaaliyaAbdulaahi Maxamed nuurWasiirka Amniga ee uu dhawaan ...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday saldhig ciid oo kuyaal gobolka gedo

xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa waxa lagu soo waramayaan in tiro madaafiic ah ay ku garaaceen saldhig ciidamada kenya ay ku leeyihiin degmada...

Xaaska M/weyne Erdogan oo shaacisey inaanay weligeed u ooyin siday u oyday markay Somalia Tagtay

Marwada koowaad ee Turkiga, Emine ErdoganEmine Erdogan oo ah marwada koowaad ee dalka Turkiga, ayaa la filayaa in ay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku...

Twitter Feed