Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Amar la dul-dhigay Wadayaasha Gaadiidleyda Muqdisho

Amar la dul-dhigay Wadayaasha Gaadiidleyda Muqdisho

Taliska Ciidamada Ilaalada wadooyinka ee taraafikada ayaa soo saaray amar ku socda dhamaan Gaadiidka ka dhex Shaqeeya magaalada Muqdisho iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa marka hore sheegay in ay u qorsheysan tahay in Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay keenaan Ciidamo dheeraad ah oo xirfad u leh marista wadooyinka oo shilalka ay kusoo bateen.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in dhamaan Gaadiidkaka Shaqeeya Magalada Muqdisho , kuwa garka loo leeyahay & kuwa Madaxda ay wataan in loo sameeynayo Sharciga gaadiidka, sida Buuga & Aqoonsiga Darawalnimo.

Ugu dambeyn taliyaha waxaa uu sheegay in shilalka Gaadiidka ay kusoo bateen Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay inay imtixaan ka qaadi doonan qof walba oo Gaari ku dhex wada Magaalada Muqdisho si loo hubiyo darawalnimadiisa.

Amarkan kasoo baxay Taliska Ciidamada Ilaalada wadooyinka ee taraafikada ayaa kusoo aadaya xilli ciriiri farabadan uu kajiro marista wadoyinka, taasi  loo sababeeynayo wadooyinka qaar oo lamaha Amniga Soomaaliya ay xireen iyo kuwo ku xirmay Biyaha Roobka.

RELATED ARTICLES

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama...

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Twitter Feed