Friday, January 28, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Askari Nus Dollar Muqdisho ugu dilay Darawal Mooto Bajaaj

Askari Nus Dollar Muqdisho ugu dilay Darawal Mooto Bajaaj

Askari ka tirsan Ciidanka Taraafikada ayaa Darawal Mooto Bajaaj ku dilay agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho iyada oo dilka kadib uu goobta ka baxsaday.

Sababaha dilka ayaa waxaa lagu sheegay in Askariga uu Wadaha Mooto Bajaajka ka dalbaday in uu siiyo lacag dhan Nus Dollar balse uu ka diiday, sidaasina uu ku dilay.

Qaar kamid ah wadayaasha Mooto Bajaajta oo ka careysnaa dilka ayaa dhigay dibadbax, iyaga oo muddo saacado ah xirtay Isgoyska dabka, waxaana ay sheegeen inay aad uga xun yihiin dilkaas.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay sjeegeen inay dibadbaxa sii wadi doonaan ilaa iyo inta cadaalad looga helayo Wiilka Dhalinyarada ah ee la dilay, iyaga oo dalbaday in gacanta lagu soo dhigo Cadaaladana la horgeeyo Askariga dilka geystay.

Dilalka loo geystay Darawalada Mooto Bajaajta ayaa bilihii la soo dhaafay ku yaraaday Magaalada Muqdisho, balse sanadkii 2019-kii ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay dilalkii ugu badnaa oo Ciidamada dowladda ay u geysteen wadayaasha Mooto Bajaajta

RELATED ARTICLES

Xiisadda Ukraine: Ruushku waxay rajeynayaan nabad sida wadahadalka adduunka ee dagaalka

Magacyada hore oo kaliya ayaa loo adeegsaday xaaladaha qaarkood si loo ilaaliyo aqoonsiga. Ma jiro qof Ruushka jooga oo raba dagaal, ayay tidhi Ekaterina,...

Jarmalku waxa uu saynisyahan Ruush ah ku tijaabiyay basaasiinta tignoolajiyada hawada sare

Saynisyahan Ruush ah oo ka shaqaynayay jaamacad Jarmal ah oo sannadkii hore loo xidhay basaasnimada Ruushka ayaa la wadaagay macluumaadka ku saabsan barnaamijka gantaalaha...

Musk gantaal hawada sare ah oo ku socda koorsada isku dhaca dayaxa

Qayb ka mid ah gantaalada SpaceX ee qarxiyay todobo sano ka hor oo hawada sare lagaga tagay ka dib markii uu dhamaystay hawshiisa ayaa...