Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Askariga ka tirsanaa Xuutiyiinta ee dilay Muwaadinka Soomaaliyeed oo la qabtay

Askariga ka tirsanaa Xuutiyiinta ee dilay Muwaadinka Soomaaliyeed oo la qabtay



War ka soo baxay Booliska magaalladda Sanca ee dalka Yeman ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay Gacan-ku-dhiiglihii sida xaq-darada u dilay Allaha U Naxariisto Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Ibraahim Cali Faarax Muuse oo 36-jir ahaa.

Gacan-ku-dhiiglaha la qabtay oo magaciisa lagu sheegay  Khaalid C/Baasid Yaxya Naasir Al-Jayifi waa 32-jir, kaasi oo la xaqiijiyey inuu Marxuumka ku dhufatay 5 xabbo oo rasaasta Qoriga Ak 47 ee uu Gacan-ku-dhiigluhu watay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Maamulka Kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haysa Magaalladda Sanca ay dilka Muwaadinka Soomaaliyeed kadib ay gawaari lagu xiray Samaacado waa weyn ku naadinayeen in la soo qabto Gacan-ku-dhiiglaha oo baxsad ahaa.

Booliska Xuutiyiinta waxay ugu dambayntii ku guuleysteen in la soo qabto Gacan-ku-dhiiglaha, kaasi oo dhawaan la soo taagi doono Maxkamad hoos tagta Maamulka Xuutiyiinta.

Denbiilaha dilka geystay waxaa la sheegay inuu Muwaadinka Soomaalida istaajiyey, xilli uu ku sii jeeday Xarunta Jaamacadda Aljazeera ee Sanca oo uu ka ahaa Shaqaalaha Nadaafadda.

Marxuumka ayaana la toogtay, kadib, markii uu Marxuumka caddeeyey inuu yahay Muwaadin Soomaali ah.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...