Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Badmaaxiin la socotay Markab Xamuul oo ku degay Xeebaha Somalia

Badmaaxiin la socotay Markab Xamuul oo ku degay Xeebaha Somalia

War Qoraal oo ay Ciiddanka Badda ee Maraykanka soo saareen ayaa lagu sheegay inay soo badbaadiyeen 15 Badlaaxiin la socotay Markab ku sii degayey meel ka baxsan Xeebaha dalkeena Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Xarunta UK ugu qaabilsan La-socodka Maraakiibta Ganacsiga  ku soo wargeliyeen Ciiddanka Badda Maraykanka inay u gurmadaan Markab ay cillad farsamo ku qabsatay Gacanka Cadmeed.

Mariniska Maraykanka waxay tilmaameen inay si degdeg ah u gurmadeen Markabka cilladaysnaa ee MV Falcon Line, ka hor inta uusan Markabka si buuxda u degin ama u quusin.

Badmaaxiinta la soo badbaadiyey oo aan la sheegin dalalka ay ka soo jeedaan waxaa loo fidiyey Gurmad, iyagoo la siiyey cunto, biyo iyo baaritaan Caafimaad.

Dhinaca kale, Taliska Dhexe ee Guutada 5-aad ee Ciiddanka Maraykanka ee Saldhiga ku leh dalka Baxrayn waxay sheegeen inay ku hawlan yihiin sidii ay u xiriirin lahaayeen Milkiilaha Markabka MV Falcon Line iyo Maamulayaasha kale, si loo go’aamiyo Goobta ugu wanaagsan ee ay Badmaaxiinta la soo badbaadiyey uga soo degi karaan.

Markabka Xamuulka ee Falcon Line ee ku degay meel ka baxsan Xeebaha Somalia waxaa uu ka diiwaan gashan dalka Gabon, waxaana la dhisay sanadkii 1991-kii..

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed