Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Bajaajleey xirtay waddo muhiim ah oo ku taal Muqdisho

Bajaajleey xirtay waddo muhiim ah oo ku taal Muqdisho

Qaar kamid ah wadayaasha Bajaajta ee ka Shaqeeya gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay Maanta ku dibadbaxeen Aaga Isgoyska Shabeelle oo ku dhow Daljirka Daahsoon, iyaga oo xirtay wadadaas, una diiday inay gaadiidka noocyadooda kala duwan ay maraan.

Banaanbaxayaasha ayaa ka cabanaya inay waayeen wadooyin ay maraan oo ay kua Shaqeystaan, kadib markii wadooyinka qaar ay Biyo xireen kuwana ay xirteen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Canshuur ay mar waba ka qaado dowladda, balse aysan heysan waddooyin ay kua Shaqeeystaan, taasina ay tahay dhibato heysta.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed( Filish) ayaa ka dalbadeen in uu soo farageliyo arrintaam, isla markaana ay biyaha xireen uu u furo.

Banaanbaxa ay Maanta ka dhigeen agagaarka Taalada Daljirka Daahoosn wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadooyinka qaar ee magalada Muqdisho ay Biyo xireen, isla markaana Carriiri farabadan uu kajiro wadooyinka Muqdisho

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed