Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Banaanbax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Banaanbax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Boqolaal kamid ah Shacabka ku dhaqan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa waxaa maanta ay banaanbax ka dhigeen Xaafadaha qaar, iyaga oo uga soo horjeeday dil iyo Afduub loogu geystay Magaalada Gaalkacyo Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere).

Banaanbaxayaasha oo watay Boorar ay ku qoran yihiin in uu Cadaalad helo Marxuumka ayaa waxaa ay sheegeen in dilka Sheekh Cali Axmed Faarax uu ahaa mid abaabulan oo la soo qorsheeyay.

Mid kamid ah Culimada Gobolka Mudug oo banaanbaxa ka hadlay ayaa sheegay in dareeskii Ciidamada lagu dilay Sheekha, waxaana Madaxda dowladda uu ugu baaqay inay jawaab deg deg ah ka bixiso dilka loo geystay Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere)..

Dadka bananaanbaxa dhigayay oo aad uga careesnaa dilka Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere). ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa Samafale iyo Macalin Barbariye ah, isla markaana ay aad uga xun yihiin dilka loo geystay.

Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) ayaa ahaa maamulaha Guud ee jamciyadda Imaam Nawawi ee gobolka Mudug, waxaana maalmo ka hor loo geystay Afduub iyo dil, iyada oo Wasaaradda Amniga Galmudug u saartay Guddi baara sida uu u dhacay dilka iyo dadka ka dambeeyay.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed